Amaan dumar oo macaan

 Halkan waxaa ah amaan aad u qurux badan oo aad u adeegsan karto qofka aad rabto amase maankaga dajisa 

Maansadani waxay si khaasa u amaanaysa gabdh iyadoo ka faalonaysa waxaabo badan ,waana amaan jacayl ah taasi oo aan ku kobcino qalbiga dhalinta noloshu u macaan tahay hadaba ka bogosho wacan 



Sidii roob hoorayoo

Abaartiyo halasihii

Intuu hogol weyn ku shubay

Dhirtii soo hawriyaad

Naftayda hagaajisee 

Allow huunooy ku dhawr

 

Halkii sano waa nastoo

Hankii noloshoo dhanbaa

Hortayda rastysmayoo

Kalgacal hilinkiisibaad

Naftii ku hogaamisee 

Allaw huunooy ku daa.

 

Hawada naxariis ta badan

Agtaadaa laga hellaa

Himilo adigaa kabee

Hir-dooglaad muuqa tahay

Hidaha gogolbaad tahay

Harada caashaqo degaay

Allow huunooy ku dhawr.

 

Digriga eebbaan hayaa

Tasbiixbaan haabtayoo

Hadhbaan ku jiraa qabaw

Haldhaa baa laygu saday

Waxaan hellay kaaba iyo

Haweenka xulkoodiyoo

Horseedka raggaan noqdee

Allow huunooy ku dhawr.

 

ADaa hemaal saneey

Akhlaaq ku hagooganeey

Himilo igu caawiyee

Halhayska afkaad tahee 

Allow huunooy ku dhawr

 Waa maxay jacaylku

Jaceylku waa dareen 🤎


Indhihiisu waa dookha 😊


Muuqaalkiisu waa farxada 🤩


Wejigiisu waa kulanka 🫂


Deegaankiisu waa qalbiga 🫀


Dhaqankiisu waa diinta 🌺


Astaantiisu waa uduga ✨🖤


Awoodiisu waa kalsoonida 🥰


Hamigiisu waa guurka 👩‍❤️‍💋‍👨


Natiijadiisuna waa ubad 👨‍👩‍👧


Ee quruxe aniga iyo adiga ✨👫


Dareenka ma wada Daadihinaa ? 😘🥹


Sidoo kale waxaan idinka kabi donaa geraarada jacaylka kaasi oo aan aad uso badin doona anaga oo isku dayeyna hadba wixii karaankayaga ah 

Waxaana aad naga heli kartaa 

Amaan jacayl 

Geraar jacayl 

Xikmado 

Dhiirigalin 

Ciyaarihii ugu dambeeyey 

Aqoon guud iwm

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post