Halkan waxaa ah Fariimo jacayl oo macaan badan kaasa tan kuwa uu wiilku u diri karo gabadha uu rabo inuu calmado xaqiiqatan waa fariimo ay ku dheehan tahay farshaxinimo ,iyo hagardaanimo la rabo in nafta lagu dajiyo hadaba ka bog
Waxaa tahay iftiin maalin waliba ii soo baxa
. Aragtidaada ayaan ku istereexaa.
Ma ogid miyaa inaad laabtayda ku beertay ashqaraar iyo farxad.
Ma ogid miyaa inaad tahay hadiyad xagga Ilaahay layga soo diray si ay ii daryeesho.
Hambalyo! Waxaa tahay gabadhii nolosha.
Tanina waa farxadayda koobaad.
Waxaan sugayaa maalinta aad igeyn doonto aduunyo cusub iyo nolol cusub.
Maalinta noloshayda.
Maalinta noloshaada.
Waxan kaa fishaa inaad nolosha dhexdeeda igula noolaato kalsami.
Mahad ayaan kuu qiray Eebe kasokow.
Tanina ma ahan waxaan ka ahayn jaceyl aan xusuustayda ka go’ayn.
Waxaan dhawrayaa inaad naftayda ku camirto naxariis iyo galgacal.
Gebi ahaan waxaan jeclahay inaad ii faraxsanaato.
Ii ogolow inaan ku dhaho hadal dabacsan oo ay kudheehan tahay wanaag iyo toolmooni. Kuuna soo gudbiyo hadalo calen qoyan.
Maanka ii daji ,
Tii ay dooraty caqligayga,
maankayga iyo naftayda, Eebe ha ii kaa barakeeyo.
Maxay kuu dooran waayey, kol hadii ay kugu xasilaan, kugu doogsadaan, kuguna dagaan.
Ii kaalay qalanjadii iyo geenyadii hablahaay
oo ahaw mid ku harsan laabtayda.
Waxaa maankayga farxad galinaya inaad kamid tahay kuwa ashaxa iyo hidaha toosan ee diinta ku barbaaray,
una hogaansan Ilaahay.
Qalbigayga wuu faraxsan yahay waayo adiga ayaa kujira.
Waan ku jeclahay adiga ayaana I baray inaan kujeclaado.
Waan faraxsanahay adiga ayaana ibaray farxada.
Qof ay naftaydu huri weysay ayaa tahay.
Naftayda ayaan kuu hibeeyey. Waxaan diyaar kuula ahay inaan nolosha heer sare ku gaarsiiyo.
Aniga la’aantaa waxba ma ihi.
Noloshayda adiga ayey kaa bilaabataa.
Adiga ayeyna kugu dhamaataa. Adiga ayaa igu filan.
Ifka noloshu waa adiga!!
Waxaad ahaan doontaa naf ka duwan faahfaahin kasta oo ka duwan inta kale, naf aan jeclahay maalin kasta.iyo waqti kastaba
.Si yaabo kastoy ahaato waxaan Ku dareen siin Nolol ka farxad badan nolosha kalinimada iyo dhaawacyadii Ku soomaray kaliya Ku samir nolosheyDa ❤️π
Inaan Ku waayo waa cabsida kaliya aan Qabo waayo dadaalkeyga badanaa waxaan Ku bixiyaa farxadaada iyo lahadalkaaga Qiimaha Leh waayo waxaa tahay Awooda kaliya Ee iidhamaystir tay Garabnimada xuquuqdeeda π️✨πΊπ€πΉπ₯
indhahaygu laga yaabaa Dadka kale inay Eegaan hal mar balse adiga waxay jecel yihiin inay ku dhowrtaan mar waliba π✨ππΉπ«π€π₯