Sidee ayaad iskaga dawayn kartaa khushuuc la aanta ku haysata marka aad salaada ku jirto

  



 Dadka Qaar Marka ay Salaadda Ku jiraan isku Arko Calaamadahaan Sida Adiga Oo Aan Ka Warqabin Waxa Aad Aqrineyso Maskaxda Oo iska baxdo iyada Oo Meelo Kale isaga Mashquulsan 


Dadka Noocaan ah Ma dareeman Macaanka Salaadda

 Waxaa Ku dhib ah inta Uu Taagan yahay Ama fadhiyo 


Ma isku Aragtay Xanuunadan iyo Qaar Kale Haddii jawaabtu Tahay Haa

 Waxaa Lagu Hayaa Sidaad isaga Daaweeyn laheed amase aad Dib Ugu Soo Ceshan laheed Macaanka iyo Dhadhanka Salaaddaada.


Waxaan Ku dhaartay Rabbiga Koonkaan Abuuray

 Haddii Aad Raacdo Talaabooyiinka Aan Kuu Sheegi doono Mar dambe Salaada Hilmaam Kuma Tukaneysid

 iyo Qaflad Waxaadne Ka bixi doontaa Salaada adiga Oo Sii Rabo.


Marka Hore Waxaad Ogaataa in ay jiraan Dad Salaad Tukaday 

inta ay Nool yihiin Oo dhan 60sano Ama 70sano 

Waxeey Maalinta Khiyaame tagi doonaan iyaga Oo Sacabo madhan 


Waxaa Ugu Wacan Waxeey Salaada Ku ilaalin jireen istaageeda Rukuucdeeda Sujuudeeda Lkn Salaaddaas Ma laheeyn Wax Khushuuc ah.


1= Marka Hore Waxaad badashaa Suuradaha gaa gaaban Aad Maalin Walba Sidaad U aqrineysay Carabku La qabsaday

 Maxaa yeelaay Maskaxda Wixii Lagu Cel Celiyo Si Automatic ah ayeey Ula qabsataa Hadhowna dambe Markaad Salaad Xidhato Oo Aad bilaawdo aqrinta Suuradihii Aad aqrin jirtay Maskaxda Waxeey Isku dayeysaa in ay Wax kale Oo Cusub Ku Mashquusho 


2= Ka Hor intaadan Salaada Galin Sacad Ama Labo Saac Waxaad isku daydaa inaad Soo Xifdiso Labo Sadar Oo Quraan ah Ka dib isku day inaad Ku tukato 

Waxaad Arki doontaa Maskaxda Oo Dareenkeedii Ugu badnaa Salaadaas isugu geeysay Meel kale Aadi meyso 

Waayo Waxeey Heshay Wax Cusub ay Ku Mashquusho.


3= Waqtigaaga Firaaqada ah Ka Faaideyso inaad Ku shaqeysato Ama Wax Kheyr ah Ku qabato Shaydaanka Haka Ogolaan in Uu Kugu yiraahdo Waqti badan ayaad Haysataa Ee Waxaad aqrisataa Dhaman Musxafka Fikirkaas Lacnadan ka fogow Ee Waxaad aqrisaa Labo ama Sadax Ama Afax Sadar Aad Ku tukato Salaadada Soo Xigto Waxaad arki doontaa is badal Aad u ballaaran.


Maxaan Sameeyaa Faatixada Kuma Khushuuco Aniga Oo dhameey ayaan is arkaa .? 


Taas Waxaa Kaaga filan Labo Qodob Oo Kala ah Kow inaad barato Macnaha Suuradda Al-faatixa Qodobka Labaad Waa inaad Niyada Ku qabato inaad Rabbigaa La Munaajooneyso Aad isu Jawaabeysaan Aad Hortaagan tahay.


Weeysada Ka daa boobsiiska Waxaad Ka dhigtaa Weysaqaadashada Midii Kugu dambeysay Nolohaada Camal Waxaad Ogaataa inaad La Kulmi doontid Markaad Masjidka tagtid Rabbigii Caalamka.


Waxaad Niyada Ku qabataa inad Hortaagan tahay Allah Caalamka Abuuray 

Bal Suureyao Adiga Oo Imaam U ah Boqolal Musaliin ah Oo Salaad Kugu Xirtay Hal Khalad Hadii Uu Kaa dhaco Sida Loo Wada Qeeylinayo Kaliya Waxaad Ka tagtay Rukuuc Ama Sujuud 


Markaad Sujuudo Haka gaabin inaad aqrisato Kalmado fudud Sida 

"سبحان ربى الاعلى ....ثلاث مرات .

Ka dib Haka Hilmaamin Ducada Naftaada Waalidkaa Ehelkaaga Dadka Jiran Kuwa Muslimiinta ah Ee dhintay iyo Kuwa Nool.


Sidaa Haddii Aad Sameeyso Waxaad Tukatay Salaad Caaqibo leh Ajarkeedane Aad rabbi Ka Rajeeyneyso Macaankeeda iyo Dhadhankeeda Aad dareemi doonto


Allaah Ku bareekeyo Qoraalkan Haddaad Awoodo Ku faafi Shan Group Ugu yaraan 

Ducadaada Ha iga Hilmaamin Jzkllh.



1 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post