Siddii buu kuu sugaa dhe
Adiga kuu sahamiyaa dh
Taswiirtaduu sitaa dhe
Suuqayada la wareegayaa dhe
Sidii buu u suuxayaa dhe
Adigu aad u saaqaysaa dhe
Samirka wuu weheshadaa dhe.
Sadriga adigaa ku nool dhe
Sinaba qaama marmi karo dhe
Cuntada wuu ka soomayaa dhe
Sariirtana kama kacayn dhe
Salalbuu kugu tabaa dhe
Sahwiyo khalkhal buu galaa dhe
Allaha saatiruu baryaa dhe
Si uu kuu helo walaal dhe.
Dawiyo saxarlaad ahayd dhe
Siddii buu kuu rabaa dhe
Bogsigu kugu suntaa dhe
Haween kulamuu simayn dhe
Jawaabtaduu sugaa dhe
Fariimuu kugu sabaa dhe.
Intaa waad sii fogeyn dhe
Sadrigaad ka duqaynaysaa dhe
Waxaad ku sintaa xumaan dhe
Saluugna ku beeraysaa dhe.
Bukaan salaluu ahaa dhe
Sancio dawadiisi waa dhe
Aduu ku fishaa siddii dhe
Saqbadhka kuu toosayaa dhe.
Isagu qaama sii durkayn dhe
Si fudud kaama tagayn dhe
Aduu kugu soo hirtaa dhe
Siddaad malagatahay ayuu yiri
Adiga kuu sara kacaa dhe.
Salaantaaduu jeclaa dhe
Si uu kuu helo ayuu dhe
Suugaanta u diidaa dhe.
Sidaad tahay dheemanayeey dhe
Halbawlaha dhiiga sidda dhe
Ayaanu si kin la'aan dhe
Inuu sito ubax casood dhe
Sooyaal hore caashaqii dhe
Kolkaad wada soconteen dhe
Kii aad siiseed jeclayd dhe.
Salaantiyo erayadii dhe
Sawdkaaguu calaamad dhe
Ka saahid aduunyadii dhe
Saxnaantii buu rabaa dhe.
Sareedada caashaqu dhe
Si fudud ugu doogayaa dhe
Usoo noqo suubaneey dhe
Usoo celi saaxgii dhe
Rajiyo hamigii samaa dhe.
Ayy🥺♥️
ReplyDelete